Hanti dhawraha Somalia oo shaaciyay hay'ado diiday la xisaabtan

Image

29 December, 2015(GO)-Hanti-dhowrka Guud ee Somalia Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa caddeeyay inaan la xiri karin xisaabta dowladda, maadama hay'ado gacanta ku haya ilaha dhaqaalaha dalka diideen in lala xisaabtamo.

Nuur Faarax oo la hadlayay Baarlamaanka Somalia ayaa tilmaamay in Shirkadaha Favori oo gacanta ku haysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Al-Bayrak oo maamusha Dekeda weyn ee Muqdisho diideen in lala xisaabtamo oo la ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kuwa ka baxa.

“Horta wadankan xisaabtiisa xirmi meyso, hadii shirkadaha lagu wareejiyay ilihii dhaqaalaha ee dalka aan la xisaabin karin, Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa noo diideen inaan la xisaabtano, waxaa ka dhaa-dhacsan, in aan la xisaabin karin ama aan la hanti dhowri karin”ayuu yiri Hanti-dhowraha Somalia.

Guddiyada Barlamanka iyo dowladda Somalia ayuu ka codsaday inay xaaladda taagan wax ka qabtaan kahor bisha Janaayo, maadama xilligaas lagu wado in la xiro xisaabta dowladda 2015.

Ilaha dhaqaalaha dalka gaar ahaan Garoonka iyo Dekadda ayaa waxaa gacanta ku haya shirkado shisheeye, waxaana shirkadda Al-Bayrak lagu wareejiyay maamulka Dekedda sannadkii 2014, waxayna bishii November ee isla sannadkaas soo bandhigtay lacago ay sheegtay inay bil gudaheed kasoo xarooday dekedda oo gaaraysay 1,582,000, inkastoo markaas kaddib aysan jirin xisaab celin dambe.

Favori oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa isla sannadka iyana lagu wareejiyay garoonka diyaaradaha Muqdishu, waxayna dayactir ku samaysay madaarka, balse wali masoo bandhigin wixii ka soo xarooday.

Hadalka ka soo yeeray Hanti-dhowraha dalka ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Somalia lagu eedeeyo musuq maasuq, waxaana dhammaan ilaaha dhaqaalaha maamula shirkado hishiis lala galay kuwaasi oo aan diyaar u ahayn in la xisaabiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM