Hanti Dhowraha Somalia oo ka hadlay dilka Marxuum Wasiir Cabbaas

Image

MUQDISHU, Somalia- Hanti Dhowraha Guud ee dowladda Somalia, ayaa ka hadlay dhacdadii uu xalay ku geeriyooday wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Somalia, Cabaas Cabdullaahi oo la toogtay xilli uu maraya nawaaxiga Madaxtooyada.

Dhimashada Wasiirka ayaa timid kadib markii ay rasaas isku fureen ilaalada Wasiir Cabaas iyo Hanti Dhowraha Qaran, Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Isagoo arrintaas ka hadlayay wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay dhacdadaas oo uu ku tilmaamay mid aad u fool xun, wuxuuna tacsi u diray dhammaan umadda Somaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cabaas.

“Marka hore waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Wasiirka, waxaan leeyahay ALLAHA u naxariisto, waxaan tacsi u dirayaa ehelkiisa iyo qaraabadii uu ka tagay,”Ayuu yiri Hanti Dhowraha Somalia.

Isagoo sii hadlaya, wuxu dilkaas ku tilmaamay mid ku dhacay qaab shil ah, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamo ilaalo u ahaa labada mas’uul, sida uu hadalka u dhigay.

“Meeshaas waxaa ka dhacay Askara kala shakiday oo isu soo dhawaatay oo xoogaa kala shakiday, waxaan fiicnayn ayaa meeshaas ka dhacay, nin walaalkay ah ayaa ku dhintay, ALLE ha u raxmado,” Ayuu yiri Nuur Faarax.

Wuxuu sheegay inay socdaan baaritaano ku aadan sida uu shilka dhimashada wasiirka uu u dhacay, isagoo tilmaamay inuusan ka hordhacayn natiijada.

“Kolay baaritaan ayaa socda, kama hordhacayo, waxay ahayd shil si kadis ah ku yimid, oo ku dhintay Wasiir Soomaaliyeed,” Sidaas waxaa hadalkiisa daray Dr. Nuur Faarax Hanti Dhowraha Guud ee Somalia.

Hadalka ayaa kusoo aadaya xilli aan wali la kala cadayn xaqiiqada rasmiga ah ee ku aadan shilka uu ku geeriyooday Wasiir Cabbaas.

Hal Xabo ayaa ku taalla wajahadda hore ee xigta dhinaca Darawalka Gaariga Marxuum Cabbaas, waxaana warar kasoo baxaya aya sheegayaa in ilaalada labada mas’uul (Marxuum Cabbaas iyo Dr. Nuur), ay is rasaaseeyeen kadib markii ay kala shakiyeen xilli ay marayeen nawaaxiga Madaxtooyada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM