Hanti-dhowrka oo digniin soo saarey kahor coddeynta madaxweynaha

Image
Tobanaan musharaxiin oo ku kala hari doona diiwaan-gelinta ayaa u taagan qabashadda xilka ugu sareeya Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in gelitaanka ama bilaabista fulinta heshiisyada ay hay'adaha dowladda Soomaaliya la galeen shirkadaha ajnabiga la joojiyay inta ay socdaan doorashooyinka. 

"Hay'ad kasta oo dawladeed ama sarkaal kasta oo jebiya amarkan waxay muteysan doontaa cawaaqib adag," ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu faafiyey ciwaanka saxda ah ee Hanti-dhowrka ku leeyahay bogga Facebook-ga.

Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa dooranaya madaxweynaha cusub 15-ka bisha May, 2022-da, sidda uu sheegay guddiga isku-dhafka labadda gole ee qaban-qaabinaya coddeynta.

Tobanaan musharaxiin oo ku kala hari doona diiwaan-gelinta ayaa u taagan qabashadda xilka ugu sareeya Soomaaliya. Doorashadan waxay dib u dhacdey in ka badan muddo 15 bilood ah.

Dhanka kale, guddiga doorashadda ayaa daabacay jadwalka doorashadda kaasoo xeerinaya 8-da May la diiwaan-gelinayo musharaxiinta, 11-ka iyo 12-ka May la hadlayaan baarlamaanka 15-ka May la aadayo sanduuqa.

Guddiga ayaa sidoo kale waxay ku mashquulsan yihiin diyaarinta shuruudaha laga doonayo musharaxiinta madaxweynaha taasoo la filayo in ay kamid noqon doonto in laga rabo khidmad dhan 40-kun oo doolar.

Maalmo ka hor ayaa la soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM