Hanti-dhowrka qaranka oo faafiyey warbixino xasaasi ah

Image
Afartan warbixino ayaa soo bandhigay daldaalo baahsan oo ka jira hay'adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hantidhawrka Guud ee qaranka ayaa maanta daabacay illaa afar (4) warbixin oo ah natiijadda baaritaan lagu sameeyay sida ay hay’adaha dowladdu u maareeyen hantida dadwaynaha.

Warbixinadda ayaa kala ah; u hogaan-samida sharciga sanad miisaaniyadeedka dhamaadey 31-dii December, 2020, maareynta kalluumeysiga, baarista Covid-19 iyo baarista warbixinta maaliyadeed ee dowladda.

Sida ku xusan warbixinta, dhanka kharash bixinta, xafiiska ayaa ogaadey in ay hay’duhu isticmaaleen aduun lacageed dhan dhan $9M, iyadoona la soo bandhigin caddeymo ku filan oo muujinaya qaabka loo isticmaalay.

Koontooyin bangi oo ka baxsan Khasnadda Dhexe ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxaa la ogaaday inay furteen hay’adaha qaar oo lacagna lagu shubay.

"Waxaa kale oo jirtay deeqo ay hay’adaha qaar heleen oo aan lagu soo darin nidaamka maaliyada dalka iyo misaaniyada taas oo gaaraysa $17 milyan," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta hanti-dhowrka.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in dowlad goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir aysan dhamaantooda sameynin wax xisaab celin marka loo eego lacago ay ka heleen Dowlada Dhexe taasoo wadar ahaan dhan $78 milyan.

Dhanka kale, arrimaha kalluumaysiga ayay warbixintu sheegaysaa in si sharci darro ah loo bixiyay shatiyo la siiyay maraakiib shisheeye. Ma magacaabin magacyadda shirkadahaas.

"Waxaa jirtay in Wasaaradda Kalluumaysigu aysan uruurin dakhli dhan $56M oo ay ahayd in laga qaado maraakiibta dhaadheer ee ka kalluumaysata xeebaha dalka," ayaa la raaciyey qormadda.

Ugu dambeyntii, xafiiska hanti-dhowkra qarankaa ayaa daaha ka rogay in aan laga warqabin lana kormeerin waxyaabaha ay sidaan maraakiibta shisheeye ee kaluumaysiga "taasoo ku timid dayac iyo mas'uuliyad darro baahsan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM