Hanti-dhowrka qaranka oo faafiyey warbixino xasaasi ah

Image
Afartan warbixino ayaa soo bandhigay daldaalo baahsan oo ka jira hay'adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hantidhawrka Guud ee qaranka ayaa maanta daabacay illaa afar (4) warbixin oo ah natiijadda baaritaan lagu sameeyay sida ay hay’adaha dowladdu u maareeyen hantida dadwaynaha.

Warbixinadda ayaa kala ah; u hogaan-samida sharciga sanad miisaaniyadeedka dhamaadey 31-dii December, 2020, maareynta kalluumeysiga, baarista Covid-19 iyo baarista warbixinta maaliyadeed ee dowladda.

Sida ku xusan warbixinta, dhanka kharash bixinta, xafiiska ayaa ogaadey in ay hay’duhu isticmaaleen aduun lacageed dhan dhan $9M, iyadoona la soo bandhigin caddeymo ku filan oo muujinaya qaabka loo isticmaalay.

Koontooyin bangi oo ka baxsan Khasnadda Dhexe ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxaa la ogaaday inay furteen hay’adaha qaar oo lacagna lagu shubay.

"Waxaa kale oo jirtay deeqo ay hay’adaha qaar heleen oo aan lagu soo darin nidaamka maaliyada dalka iyo misaaniyada taas oo gaaraysa $17 milyan," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta hanti-dhowrka.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in dowlad goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir aysan dhamaantooda sameynin wax xisaab celin marka loo eego lacago ay ka heleen Dowlada Dhexe taasoo wadar ahaan dhan $78 milyan.

Dhanka kale, arrimaha kalluumaysiga ayay warbixintu sheegaysaa in si sharci darro ah loo bixiyay shatiyo la siiyay maraakiib shisheeye. Ma magacaabin magacyadda shirkadahaas.

"Waxaa jirtay in Wasaaradda Kalluumaysigu aysan uruurin dakhli dhan $56M oo ay ahayd in laga qaado maraakiibta dhaadheer ee ka kalluumaysata xeebaha dalka," ayaa la raaciyey qormadda.

Ugu dambeyntii, xafiiska hanti-dhowkra qarankaa ayaa daaha ka rogay in aan laga warqabin lana kormeerin waxyaabaha ay sidaan maraakiibta shisheeye ee kaluumaysiga "taasoo ku timid dayac iyo mas'uuliyad darro baahsan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM