Hanti-dhowrka qaranka oo soo farageliyey heshiiska shidaalka

Image
Maxamed Cali Afgooye, hanti-dhowraha guud ee qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska hant-dhowrka Soomaaliya oo "waxba kama jiraan" ku qeexay heshiiska buuqa dhaliyey ee shidaalka Soomaaliya ayaa xeer-ilaalinta u gudbiyey "gal-dacwadeed baaris ah".

Natiijada ayuu xusay in lala wadaagi doono Ummadda Soomaaliyeed". Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayuu ka dalbadey uu shaqada ka joojiyey dhamaan shaqsiyaadka ku lugta leh falkan.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay hanti-dhowraha, shaqo joojintaas ayaa dhaqan-galaysa "illaa inta laamaha garsoorka waajibaadooda ku aadan qadiyaddan ay ka gudanayaan".

Soomaaliya ayaa heshiis shidaal la gashay COASTLINE EXPLORATION LTD. Heshiiskan wuxuu khuseeyaa todoba xirmo oo lagu sheegay kheyraad. Wasiirka tamarta, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa Twtter-ka ku xaqiijiyey in Farmaajo uu door ku leeyahay talaabadan.

August, 2021 ayuu madaxweynaha waqtigu ka dhacay ka mamnuucay hay'adaha dowliga ah heshiis isaga oo cuksanaya xaalada kala guurka ama doorashooyinka soconaya. Balse, talaabadan waxay ka dhigan tahay in ruuxadiisa uu hormuud u noqdey burburinta wareegtadaas.

Mohamed Farmaajo ayaa iska fogeeyay islamarkaana buriyey heshiiska shidaal ee wasiirka batroolka uu la galay shirkada COASTLINE EXPLORATION LTD, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa la raaciyey in uu faray "dhamaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka".

Mohamed Roble ayaa "sharci darro iyo waxba kama jiraan" ku tilmaamay heshiiska batroolka shirkada COASTLINE EXPLORATION LTD, sida ku cad qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

"Ra’iisulwasaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed," ayaa la raaciyey bayaanka.

Heshiiska oo soo shaac-baxay ugu yaraan labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa shaki badan ku dhaliyey mucaaradka iyaga oo tuhunsan in madaxda ay dhaqaalaha kasoo baxa u adeegsadaan ololahooda doorashada.

HOOS KA AKHRISO WARQADDA HANTI-DHOWRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM