Hantidhowraha DFS oo sheegay in loo hanjabey

Image

January 21, 2015 (GO)- Hantidhowraha guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in is hor taag lagu sameeyey shaqada xafiiska Hantidhowrka oo ku dhex yaala xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Nuur Jimcaale Faarax oo shir-jaraa'id magaalada Muqdisho ku qabtey, wuxuu sheegay in maamulka iyo shaqaalaha xafiiska  loo hanjabey islamarkaana loo diidey inay gudaha usoo galaan xarunta madaxtooyada.

Hantidhowraha ayaa dhanka kale xusay in ilaalada  madaxtooyadu rasaas ku fureen gaarigiisa, amarkaasna bixiyeen saraakiisha hoggaamisa ilaalada madaxtooyada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"xafiiska Hantidhowrku waa shaqeyn la'yahay...waxaa loo diidey gaarigeygu inuu soo galo madaxtooyada, waxaa laysku dayey in dhib la ii geysto...waxaa iska cad inaan la rabin wadankani inuu horay u maro isla xisaabtankana la meel mariyo" ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xafiiska Hantidhowrku dadaal badan ku bixiyey sidii hantida qaranka loo ilaalin lahaa, balse ay jiraan qaar kamid ah  mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda oo arintaas aan raali ka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM