Hawlgallo ammaanka lagu sugayo oo Muqdisho laga sameeyey

Image

February 18, 2015 (GO)- Hawlgal baaritaan ah ayaa maanta laga sameeyey qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in hawlgalladani yihiin kuwo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadu heegan sare ku jiraan si ay uga hortagaan weerarro la qorsheeyey oo laamaha sirdoonku ka war heleen.

Ciidamo ka tirsan nabad-sugidda ayaa maanta lagu arki karey jidadka waaweyn ee muhiimka ah iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM