Hehsiis qodobo ka kooban oo laga gaarey Doorashada maamulka Galmudug [AKHRISO]

Image

Cadaado- Kulan dhexmarey wafdigii uu hogaaminayey Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Cabdi Farah Siciid oo kulamo la qaatey 24 Saac ee la soo dhaafey gudoonka Barlamanka Galmudug, guddiga Doorashada maamulkaas iyo odey dhaqameedyo ayaa waxa kasoo baxay  qodobo wax looga qabanayo khilaafka u dhexeeya mamaulkaas iyo ururka Ahlu Sunah wal Jamaca.

Qodobadaan oo la xiriira xiliga Doorashada dhaceyso iyo kulan dhexmaraya dhinacyada isku haya dhismaha maamulkaan ayaa ka koobnaa qodobada hoos ku qoran kuwasoo qeexaya Jadwalka Doorashada Madaxweynaha ee maamulka Galmudug.

* Doorashada Madaxweyna Galmudug waxa la isla gartay inay dhacdo  30 bisha April.

* 10ka ilaa 17ka April waxaa Muqdisho ka dhici doona wadahadal loo furayo Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

*In 25 illaa 30  April waxaa la diyaarin doona doorashada 

*30ka April waxaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Wafdiga Wasiirka hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta dib ugu noqon doonaan magalaada Muqdishu.

Dadka siyaasda la socda ayaa aaminsan guusha uu ka gaarey Wasiirka arimaha gudaha dib u dhigista Doorashada iyo in kulan isugu yimdaan Galmudug Ahlu Sunah sababtey madaama dhinacyada arintaan khuseeyso u arkaan Mudane Juxa iyo Ra'isal wasaare Khayre iney dhexdhexaad ka yihiin khilaafka u dhexeeyey in muddo ah dhinacyadaan.

GAROWEONLINE  

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM