Heshiis laga gaarey khilaafka xulista wakiilada Somaliland

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta gobolada waqooyi ayaa ku dhawaaqay in ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay ee ku saabsanaa doorashooyinka kuraasta Somaliland kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Senate-ka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo kala hogaaminayey labada garab ee muranka u dhaxeeyay ayaa is-gacan-qaadey.

Labada dhinac ayaa "si buuxda ugu heshiiyay in la soo afjaro khilaafkii u dhaxeeyay, in la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashooyinka heer Somaliland, in la soo gabagabeeyo is-kooxeysigii iyo abaabulkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirginta doorashada kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda Somaliland".

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Facebook-giisa wuxuu ku qoray in uu soo dhaweynayo heshiiskan.

"Waxaan soo dhowaynayaa heshiiska ay dhinacyada kala hoggaamiya siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ay ka gaareen khilaafka doorashooyinka. Waxaan u rajaynayaa guul iyo dhaqangal towfiiq leh," ayuu yiri.

Senator hore Ilyaas Cali Xasan oo qoraal ku daabacay Facebook-giisa ayaa dhankiisa wuxuu bogaadiyey isfahamkan.

"Alhamdulilah. Waxaan soo dhoweynaayaa heshiiska ay wada gaareen Gudoomiyaha Aqalka Sare Abdi Hashi iyo RW Xigeenka Mahdi Guled goob joogna ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare Baashe," ayuu tibaaxay.

Qadiyadda kuraasta Somaliland ayaa kamid ahayd arrimaha is-mari-waaga ugu culus uu ka jiray guud ahaan doorashooyinka dib-u-dhaca weyn uu ku yimid ee Soomaaliya taasoo qorshuhu ahaa in ay dhacdo dhamaadka 2020 illaa horaanta 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM