Heshiiska aan la shaacin oo lagu gaaray shirkii Madasha

Image

MUQDISHO, (GO)- Markii uu soo gebogaboobay shirkii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada Sept.12 waxaa laga soo saaray warsaxafadeed lagu shaaciyay waxyaabihii looga wada hadlay.

Balse waxanan ku jirin qodob isfaham iyo is afgarad akhyaared "Gentleman's Agreement" waxa loo yaqaano, kaas oo aana qorneyn , kaas oo ku saabsan muddo kororsi isku mid ah oo loo sameeyay dhammaan dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Iyada oo uuba socdo shirka madasha aya waxa go'aan gaaray barlamanka Galmudug oo muddo xilleedka
maamulka ka dhigay shan sano.

Waxaa kasii horeeyay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo labaduba uu ka taaganyahay buuq siyaasadeed oo looga soo horjeedo muddo kororsiga.

Puntland iyadu biloowgeedii horeba muddo xileedka wuxuu ahaa 5 sano, marka wax arrin ah kama aysan taagnayn.

Aamusnaanta dowladda federaalka ee arrinta muddo kororsiga ayaa loo fahmay ogolaansho, inkasta oo weli aanan loo haynin wax sharciyad heer federaal ah oo loogu qiil samayn karo muddo kororsigaasi.

Balse arrinka xiisaha gaarka ah leh ayaa ah in xitaa muddo xilleedka federaalka lasoo jeedinayo in laga dhigo 5 sano,taas oo ka dhignaanaysa in madaxweynaha hadda jooga loo kordhiyo muddo hal sano ah, halkaasi ay tahay jihada uu u socdo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii ka horeeyay ayaa xafiiska joogay 5 sano iyo bar, halka isaga qudhiisa uu xafiiska joogay wax ka badan afar sano muddo xilleedkiisii koowaad.

Haddaba waxaa la is weeydiinayaa halka ay Soomaaliya dhigi karto muddo kororsi iyo cawaaqibka ka dhalan kara.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM