Hiiraan: ciidamada DF iyo AMISOM oo deegaano ka qabsaday Al-shabab

Image

August 4, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa gelinkii dambe ee shalay xoog kula wareegey deegaannada Ceel Dheer iyo Ceel Cali oo ku yaal galbeedka gobolka Hiraan.

Labadan tuulo waxaa in muddo ah gacanta ku hayey Ururka Al-shabaab, waxaana lagu soo warramayaa in dagaal khasaare geystey halkaas ku dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-shabaab.

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamada huwantu xilligan si buuxda deegaanadaas gacanta ugu hayaan.

“Ciidamadu waxay 24tii  saac ee la soo dhaafay la wareegeen deegaano ku yaal galbeedka Hiiraan...waxaa naga go'an sidii aan Al-shabaab uga sifeyn lahayn guud ahaan gobolka Hiiraan" ayuu yiri.

Al-shabaab ayaa weli ka arrimisa deegmooyin dhowr ah oo ku yaal gobollada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM