Hiiraan: Duqeyn ka Dhacday Xero Al-shabab ku Sugnaa

Image

Wararka Naga soo gaaraya Degmada Buloburte ayaa sheegaya in xalay la duqeeyay xero tababar ciidan loogu soo gabagabeyay Malayshiyo Al-shabab ka tirsan. 

Xerada Duqeyntu ay ka dhacday ayaa waxaa ay ku taalaa Tuulo lagu magacaabo Dhariyow oo ilaa 60 km dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Buuloburte. 

Dad degaanka ka tirsan ayaa warfidiyeenka u sheegay in xerada dhexdeeda jug xoog leh laga maqlay ilaa 7 jeer, halkaas oo ay ku sugnaayeen madax ka tirsan Al-shabab oo goobta u tagay in ay tababarka soo xiraan.  

Holaca iyo qiiqa ka dhashay duqeynta ayaa la arkayay ilaa saake waabarigii. 

Isgaarsiinta Degaanka ayaa tan iyo xalay markii ay duqeyntu dhacday hawada ka maqan.

VOA

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM