Hiiraan: Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Mallayshiyaad ku hubaysnaa Bastoolado ayaa dil u gaystay nabadoon kamid ahaa Ergooyinkii wax kasoo xulay Barlamanka Waddanka Somalia.

Ninkan odayga ahaa oo lagu magacaabi jiray Mustafe Maxamed Dhicisow, ayaa caawa fiidkii lagu toogtay xaafadda Howl wadaag ee magaalada Baladweyne.

Raggii dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday kuwaasoo dhowr xabadood ku dhuftay marxuumka.

Goob jooge ku sugnaa halka weerarku ka dhacay ayaa sheegay, “Labo nin ayaa dilkaas gaystay waxay wateen Bastoolado, qaybta sare ee jirkiisa ayay la dhacen rasaasta halkaas ayuuna ku naf-baxay.”

Majirto cid loo soo qabtay dilkan, balse ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxayna baaritaano ka sameeyeen gudaha xaafadda, waloow aysan jirin cid loo soo qabtay kiiskan.

Dilka ayaa looga shaki qabaa inay gaysatay kooxda  Al Shabaab oo horay wacad ugu martay inay qur-goyn doonto Ergooyinkii soo toortay Barlamanka haatan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii dad-banayd ee lagusoo xulay golaha shacabka, waxaa socday dilalka Ergooyinka loogu gaysanayo Koofurta iyo Bartamaha Somalia, mana jirto cid loo soo qabtay falalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM