Hiiraan: Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Mallayshiyaad ku hubaysnaa Bastoolado ayaa dil u gaystay nabadoon kamid ahaa Ergooyinkii wax kasoo xulay Barlamanka Waddanka Somalia.

Ninkan odayga ahaa oo lagu magacaabi jiray Mustafe Maxamed Dhicisow, ayaa caawa fiidkii lagu toogtay xaafadda Howl wadaag ee magaalada Baladweyne.

Raggii dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday kuwaasoo dhowr xabadood ku dhuftay marxuumka.

Goob jooge ku sugnaa halka weerarku ka dhacay ayaa sheegay, “Labo nin ayaa dilkaas gaystay waxay wateen Bastoolado, qaybta sare ee jirkiisa ayay la dhacen rasaasta halkaas ayuuna ku naf-baxay.”

Majirto cid loo soo qabtay dilkan, balse ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxayna baaritaano ka sameeyeen gudaha xaafadda, waloow aysan jirin cid loo soo qabtay kiiskan.

Dilka ayaa looga shaki qabaa inay gaysatay kooxda  Al Shabaab oo horay wacad ugu martay inay qur-goyn doonto Ergooyinkii soo toortay Barlamanka haatan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii dad-banayd ee lagusoo xulay golaha shacabka, waxaa socday dilalka Ergooyinka loogu gaysanayo Koofurta iyo Bartamaha Somalia, mana jirto cid loo soo qabtay falalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM