Hindiya oo balanqaad u samaysay dowladda Soomaaliya

Image
India oo xuduud dhanka biyaha ah la leh Soomaaliya ayaa baaq u dirtey Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

NEW DELHI, India – India ayaa Sabtidii “si adag u cambaareysay” weerarkii argagixisanimo ee Al Shabaab ay ka geysteen agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho 23-kii bishii March, waxayna tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha.

Dowladda India ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay weerarkii lagu dilay 48 qof ee ka dhacay magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dadka la dilay waxaa ka mid ahaa AUN Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo caan ku eheyd difaacida xuquuqda Aadaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda India oo soo saartay bayaan ayaa ku sheegtay "Dhacdooyinka sii kordhaya ee falalka argagixisanimo ee ay geysanayaan Al-Shabaab waa arrin walaac weyn leh, argagixisanimadu khatar kuma ahan Soomaaliya oo kaliya, balse waxay khatar ku tahay caalamka oo dhan".

Qoraalka wasaaradda ayaa la raaciyay "waxaan mar kale ku celineynaa inaan si buuxda u garab istaaganahay howlgallada ay wadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM".

India oo xuduud dhanka biyaha ah la leh Soomaaliya ayaa ku boorisay Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo beesha caalamka “in ay sii wadaan garab istaagga Soomaaliya oo dagaal kula jirta maleeshiyada Al Shabaab,”.

Wasaaradda arrimaha dibada waxay intaas ku dartay, "India waxay sii wadi doontaa taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda ee rabitaankooda wadajirka ah ee ku aaddan mustaqbal xasilloon, ammaan ah iyo nabad."

Dhimashada ayaa aad kor ugu kacday 15 ilaa 48 qof iyadoo tiro intaa ka badan oo dhibanayaal ah ay ku dhinteen weerarka, sida uu warbaahinta u sheegay Cali Guudlaawe, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle. Wuxuu sheegay in 108 kale ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM