HirShabelle: Dad la qafaashay oo madax furasho lagu daayey

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Illaa shan qof shacab ah oo maalmo kahor lagu qafaashay degaanada maamul goboleedka HirShabelle ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu waramay in madax furasho lagu sii daayey.

Sidda ay tabisay saxaafadda maxaliga ah, maleyshiyo hubeysan ayaa sababo la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal horey u dhacay waxay shantaas rayid ugala dageen gaari ay ugu socdaalayeen Maxaas iyo Beledwayne.

"Waanwaan ay garwadeen ka ahaayeen odayaal dhaqan ayaa kalkii dambe lagu sii daayey. Maleyshiyadii waxaa la siiyey qadar lacag ah," ayay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay illo wareedyo aysan magacaabin.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan afduubkaas oo illaa haatan kasoo baxay dowlad goboleedka ay xaruntiisu tahay magaaladda Jowhar.

Isku-dhacyadda beelaha, xiisadaha siyaasadeed iyo is-qabqabsiyada madaxda ayaa sanadihii lasoo dhaafay aad ugu badnaa gobolka Hiiraan, waxaana taas ay meesha ka saartay in dib-u-heshiisiin loo sameeyay dadka.

Tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee HirShabelle, gobolka Hiiraan waxaa ka jirtay xasarad siyaasadeed – taas oo dadweynaha uga soo horjeedo maamulkan ayaga oo dalbanaya in saamigooda "aan la afduuban".

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hogaanka maamulkaas loogu doortey rabitaanka Villa Soomaaliya, halka xigeen looga dhigay Yuusuf Dabageed oo Hiiraan kasoo jeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM