Hogaamiyaasha Somalida oo ku shiray Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa furey shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Somalia, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Kusimaha Madaxweynaha Galmudug.

Ajandayaasha shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa; ammaanka Qaranka, la dagaalanka Al-Shabaab, dar dar gelinta arrimaha isku dhafka Ciidamada iyo arrimaha shirka London.

Madaxwaynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in waxa ugu wayn ee laga wada hadlayo ay tahay sidii sugidda amniga qaranka la isaga kaashan lahaa, isagoo cadeeyay muhiimadda ay leedahay in soomaaliya ay lahaato hagista hawlaha ammaanka Dalka.

Dhanka kale Madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshaha Shirka London ayaa tilmaamay in Dowladda dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah ay latagayaan shirkaas wax ay ku midaysan yihiin, caalamkana ay tusayaan sida Dadka soomaaliyeed isugu duubanyihiin.

Waa kulankii labaad oo dhexmara madaxda cusub ee dowladda Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada, wuxuuna kusoo beegmay xilli la filayo in bisha May magaalada London uu ka dhaco kulan looga hadlayo xaaladda Somalia kaasoo ay gogoshiisa dhigtay boqortooyada Britain.

Shirkan oo sidoo kale goob jog ka ahaayeen, Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalinta barri ah lasoo gabagabeeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM