​Hogaamiyaha Ahlu Sunna oo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Hogaamiyaha Ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxa'ed Shaakir iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey Muqdishu, si uu ula kulmo Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo.

Sheekh Maxa'ed Shaakir Cali Xasan oo saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in imaatinkiisa Muqdishu uu ka dambeeyay casuumaada uu ka helay Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay Hogamiyaha Ahlu Sunna in uu ka qeybgalayo Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha cusub oo lagu wado inay dhacdo maalinta Berri ah, Feb 22.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in maamulkiisa Ahlu Sunna uu aad u taageersan yahay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana la shaqeyn doonaan dowladiisa cusub, ee dhawaan la dhisayo.

Wuxuu intaas ku daray in Ahlu Sunna ciidankeeda ku biirin doonaan kuwa qaranka, islamarkaana ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee looga saarayo guud ahaan Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa si aad ah uga soo horjeeday dowladdii Xasan Sheekh, oo ay ku mucaaradsanaayeen ka qeyb-gelin la'aanta dhisamaha maamulka Gobollada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM