Hogaamiye dil lagu xukumay oo laga sii daayay Xabsi ku yaalla Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Dowlada Itoobiya ayaa cafis ufadhisay hogaamiye sarre oo mucaarad ah, kaasoo haysta dhalashada Ingiriiska. Ninkaan oo lagu magacaabo Andargachew Tsige ayaa waxaa lagu xukumay dil-toogasho sanadkii 2009-kii.

Tsige oo ahaa Aas-aasaha Koox mucaarad ah oo lagu magacaabo Ginbot 7, ayaa waxaa xukunkiisa uu salka ku hayey doorkiisa kooxdaan, iyadoona ay koox aad uga soo horjeedo xukuumada Addis Ababa, taasoo ku tilmaamay inuu yahay nin Argigixiso ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Itoobiya, oo lagu magacaabo Berhanu Tsegaye ayaa sheegay in Andarachewew lagu cafiyay "xaalado gaar ah", ayna ku wehlin doono sii dayntiisa 575 maxaabiis oo kale, ma uusan sheegin goorta ay dhici doonto sii daynta.

Laakiin, warar ayaa sheegaya in lasii dayn doono labada maalin ee nagu soo wajahan. Go’aankaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo Itoobiya ay ka jireen xaalado siyaasadeed oo abuuray dhimashada dad badan.

Laakiin tan iyo markii la doortey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxaa ka dhacayey dalkaan Geeska Afrika ku yaala Isbedalo waa weyn. Waxaana cafiskaan uu kamid yahay waxyaabaha uu balanqaaday isbedalada dhici doona.

Andargachew Tsige ayaa waxaa xukunka dilka ah lagu xukumay Todoba sano ka hor isagoo dalka ka maqan, laakiin waxaa lasoo qabtay Shan sano ka hor markaas uu marayey Yemen, iyadoona ay ka dhalatay xaragiisa caro badan oo caalamka ah.

Itoobiya ayaa markii ugu dambeysay fulisay dil sanadkii 2007-dii, markaasoo ahayd tallaabo naadir ah oo ka dhan ah sarkaal millatari oo lagu helay in uu dilay madaxii hore ee ammaanka iyo socdaalka.

Ginbot 7 ayaa kamid ah Shan koox oo ay xukuumada Addis Ababa ku dartay Liiska wax ay ku sheegtay Argigixisada kuwaasoo kala ah, Jabhadda ONLF, Jabhada OLF iyo Ururka AlShabaab, oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Todobaadkii lasoo dhaafay, dowlada Itoobiya ayaa waxay wadahalo ay la furtay Xisbigada Mucaaradka ah ee Oromada, kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu soo gaba gabeeyay khilaafka labada dhan, iyo inuu kusoo laabto doorkiisa siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM