Al-Qaacida oo "laga dilay" hogaamiye mar booqdey Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Hogaamiye sarre oo ka tirsanaa shabakadda Al-Qaacida kaasoo mar soo booqdey Soomaaliya ayaa saddex bilood kahor waxaa lagu dilay Iiraan, sidda uu Jimcaddii wariyey wargeyska afka dheer ee New York Times.

Sidda ku xusan warbixintaan lagu soo xigtay afar saraakaal, Cabdullaahi Axmed Cabdullaahi, oo magaciisa afgarashadda uu yahay Abu Maxamed Al Masri isla markaana ahaa 58, ayaa la khaarijiyey 7-dii August, 2020.

Al Masri oo ahaa sarkaalka labaad ee ugu awooda badan maleyshiyadda hubeysan waxaa lala dilay gabadhiisa Miriam oo uu qabay wiilka uu dhalay aas-aasihii Al-Qaacida Osma bin Laden ee lagu magacaabo Xamza bin Laden.

Howlgalkaas lagu fuliyey dalab ka yimid Mareykanka waxaa ka dambeeyay laba xubnood oo ka tirsanaa Mukhaabaraadka Yahuuda, sidda ku cad warbixinta, oo intaas ku dartay in kooxaha hubeysan ku baxsadeen mooto.

Abu Maxamed Al Masri oo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho u socdaalay horaantii 1990-kii ayaa sidda loo tuuro garbeenada garbaha laga gano u tababaray maleyshiyo daacad u ahayd Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

Maleyshiyadda ayaa tababarkaas waxay uga faa'iideysteen soo riditaanka diyaaradii Mareykanka kadib dagaalkii ka dhacay Muqdisho sanadkii 1993-dii.

Jariiradda ayaa intaas ku dartay in horjoogahaan safarkiisa Muqdisho kadib uu Osama u xil-saarey in uu qorsheeyo weeraro ka dhan ah safaaradaha Mareykanka, waxaana ugu horeysay tan magaala madaxda Kenya ee Nairobi.

Xilli uu kamid ahaa aas-aasayaasha ururkan argagixisadda, hadii aan lagu dili lahayn gudaha Iiraan, Al Masri ayaa bedeli lahaa Ayman Al-Dhawaahir oo waqti xaadirkan ah Amiirka guud ee dagaalameyaasha Al-Qaacida.

Dhanka kale, dowladda Iiraan ayaa Sabtida maanta ah waxay gaashaanka ku dhufatay warbixinta ay faafisay majaladda New York Times. Halka, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil uu ka gaabsaday in uu ka hadlo falkaas.

Mareykanka ayaa Al Masri wuxuu ku daray liiska shaqsiyaadka uu doon-doonayo kadib weeraradii safaaradaha. Aduun lacageed dhan 10 milyan oo Doolar ayuu u balanqaadey qof walba oo keena xog lagu xiri karo ama lagu qaban karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM