Hogaanka dalka oo lagu dhaliilay eryida Cabdirisaaq

Image
Madaxda waqtigu ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay in ay talaabadan qaadeen xilli dalku ku jiro doorasho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka waqtigu ka dhamaadey ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si xooggan waxaa lagu cambaareeyay xil ka qaadista ay ku sameeyeen wasiirka arrimaha dibadda dalka, Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug horeyna uga mid ahaan baarlamaanka 10aad gaar ahaan Golaha Shacabka ayaa eryida Cabdirsaaq ku sifeeyay "talaabo lagu deg-degay".

Sida laga soo xigtey Fiqi, isbedelka deg-deg ah ee lagu sameeyay hogaanka wasaaradda arrimaha dibadda wuxuu muujinayaan "sidda gurracan ee looga fekero Madaxtooyadda Soomaaliya".

"Wasiir Maxamed Cabdirizaaq shaqo wanaagsan ayuu soo qabtay, xilkiisiina si wacan ayuu u gudanayey sida muuqatay, waxaana dadkii la soo shaqeeyey ay ku tilmaameen inuu ahaa mid ka mid ah wasiiradii ugu wanaagsanaa arrimaha dibadda," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Dal doorasho ku jira, loona baahnaa ugu yaraan xasilooni xilalka waaweyn waqti mandiqada geeska Afrika ay isbedello waaweyn waajahyso, loona baahnaa wasiir arrimaha socda la socda".

"In isbedel degdeg ah lagu sameeyo wasaaradda arrimaha dibadda waa calaamad muujinaysa habka gurracan ee Villa Somalia looga fikirayo iyo sida mas’uuliayadda ay hayaan ugu takrifalayaan. Wasiir Maxamed hawl wanaagsan ayuu dalka u qabtay, oo la wada bogaadinayo," ayuu kusoo xiray.

Dhanka kale, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahaa kahor inta aan maanta la bedelin ayaa Twitter-ka ku qoray in uu asbuuc kahor dalbadey is-casilaad.

La-taliyihii hore Amniga ee Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali, oo dhawaana laga dhigay agaasimaha Madaxtooyadda ayaa loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Maxamuud wuxuu xilka hayey hal sano. Waxaa ku-xigeenkiisa loo magacaabey Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Rooble ayaa isku bedelay Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni)  oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM