Hogaanka HirShabelle oo mowqif ka qaatay kuraasta Beledwayne

Image
Madaxwayne ku xigeenka Dabageed ayaa sheegay in kuraasta dhiman ay u furan yihiin "tartan daahfuran".

BELEDWAYNE, HirShabelle - Hogaanka HirShabelle ayaa wuxuu gaashaanka ku dhuftey wararka la xiriira in kuraasta hartey ee taala Beledwayne ay u xirayaan shaqsiyaad ay wadato Madaxtooyadda Soomaaliya.

Yuusuf Axmed Hagar [Dabageed], madaxwayne ku xigeenka maamulkan xaruntiisu tahay Jowhar oo u waramay VOA Somali, ayaa ku nuux-nuux-sadey in ay fureen kuraasta ku dhiman xarunta gobolka Hiiraan.

"Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta taala Beledwayne waan u yeernay, waxaana u sheegnay in ay tartamayaan, waxaana sidaan ugu sheegnay wax kale oo hoos loo sheegayo ma jiraan," ayuu yiri.

Dabageed ayaa "nasiib darro" ku qeexay in siyaasiyiin uusan magacaabin ay ka shaqeynayaan wax uu ugu yeeray "iska-hor-keenka dadka". Hadalkan wuxuu uga jawaabaya eedaha la xiriirinaya Villa Soomaaliya.

"Waa run anaga waxaan saaxiib la nahay Madaxtooyadda Soomaaliya. Laakiin waxaan wax ku wadnaa oo dadka iyo degaanka aan madaxda u nahay ku hogaamineyno waa aragtideena," ayuu hoosta ka xariiqay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Dabageed ayaa beeniyay in uu khilaaf shaqsi ah kala dhaxeeyo Cali Guudlaawe, madaxweynaha HirShabelle wallow uu xaqiijiyey "in mararka qaarkood ay kala aragti-duwanaadaan".

"Hal sano iyo bar ayaan isla joognaa aniga iyo madaxweynaha. Waligeen hal maalin ma aanan is-khilaafin. Laakiin mararka qaar way dhacdaa in aan talooyin u soo jeediyo, isagana ayaana go'aanka iska leh," ayuu xusay.

Beledwayne oo ah degaan doorashadda labaad ee HirShabelle marka laga soo tago Jowhar oo koowaad ah waxaa ku dhiman 11 kursi kuwaasoo ay ku fadhiyaan siyaasiyin mucaarad ku ahaa taliska Maxamed Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM