Hoobiyaal ku dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia – Tiro hoobiyaal ah ayaa maanta ku dhacday nawaaxiga Qasriga Madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasha iyo dhawac.

Hoobiyaashan oo gaarayay ilaa lix ayaa ku dhacay qeybo kamid ah degmada Wardhigleey, gaar ahaan Xaafadaha ku yaalla agagaarka Villa Somalia, waxaana ay galaafteen nolasha hal qof oo shacab ah.

Ugu yaraan saddex ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka hoobiye, waxaana loola cararay Isbitaallo ku yaalla Caasumadda Muqdishu, sida ay Saraakiisha Caafimaadka u sheegeen Garowe Online.

Wararaka ayaa sheegay in Hoobiyaasha qaar ay ku dhaceen meel ku dhaw saldhiga AMISOM ee Xaloane, oo ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, mana jirto wax khasaaro ah oo ay geesteen.

Dhawaqa qaraxyada hoobiyaasha ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, gaar ahaan degmada Wardhigleey iyo degmooyinka ku dhaw.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aadan duqeynta Madaafiicda ah iyo cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan looga bartey inay hoobiyaasha ku weerarto xaruumaha dowladda ee Muqdishu, gaar ahaan Villa Somalia, oo ay degan yihiin Madaxda ugu sareysay dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM