​Hoobiyaal lagu weeraray Saldhigyo AMISOM ku leedahay Qoryooley

Image

QORYOOLEY, Somalia- Weerar Hoobiyaal ah ayaa lagu qaadey xalay Fiidkii saldhigyo military oo ciidamada Midowga Africa, ee  AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

AMISOM ayaa sheegtay in weerarka lagu qaadey Fariisamaha ciidamadeeda Qoryooley ka dhashay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, oo gaarey dad shacab ah.

Weerarka waxaa ku geeriyootay labo Gabdhood oo isla dhashay, kuwaasi mid kamid ah ahayd da'deeda  9 Jir lagu sheegay, waxayna naftooda ku waayeen hoobiye ku dhacay Gurigooda, sida lagu caddeeyay qoraal kasoo baxay AMISOM.

AMISOM waxay sheegtay in Gabadha yar ay ku dhimatay Gurigeeda, halka Haweenayda ay dhaawac soo gaarey ugu geeriyootay Isbitaal ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka bari ee Qoryooley.

Mid kamid ah Dadka deegaan ayaa GO u sheegay in Madafiicda ay ahaayeen kuwa uga yimid dhanka dibadda Magaalada, islamarkaana aysan kala saari karin cida soo tuurtay AMISOM iyo Al shabaab.

Dhan kale, Al shabaab ayaa qiratay in weerar kale saaka ku qaadeen ciidamo katirsan AMISOM oo marayay deegaanka Buulo Sheekh, oo qiyaastii 5Km dhanka Bari uga beegan degmada Qoryooley.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii madafiic AMISOM lagu weeraray waxyeello kasoo gaartay dad shacabb ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM