Hoobiyeyaal lagu soo duqeeyey madaxtooyada Muqdisho

Image

February 26, 2015 (GO)- Hoobiyeyaal ayaa goor dhow lagu duqeeyey xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan toban hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay kusoo dheceen agagaarka madaxtooyada mid kamid ahina uu ku dhacay meel u dhow xarunta Wasaaradda Maaliyadda oo madaxtooyada ku dhex taal.

Labo hoobiye oo kale ayaa iyaguna ku dhacay afaafka hore ee Safaaradda Jabuuti oo masaafo aan dheereyn u jirta madaxtooyada.

Mas'uuliyiinta laamaha ammaanku kama hadlin weerarkan mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Ciidamada dowladda ayaa hawlgal baaritaan ah ka bilaabay xaafadaha ku hareeraysan goobta hoobiyaha laga soo ridey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee hoobiyeyaal lagu soo duqeeyo madaxtooyada Muqdisho, balse weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee sanadihii u dambeeyey xilli maalin ah madaxtooyada lala beegsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM