Hooyo iyo caruurteeda oo dil wadareed loogu geystay HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Hooyo umul ahayd iyo laba cunug oo ay dhashay ayaa xalay dil wadareed loogu geystay degaanka Xalluushe oo hoostaga degmada Warsheekh, gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamuka HirShabelle.

Cabdullaahi Raage Coloow, oo ah xoghayaha degmadda Warsheekh, ayaa xaqiijiyey in ay baxsadeen dableydii ka dambeysay dhacdadaas; balse wuxuu ka gaabsaday in uu caddeeyo sababta dhabta ah ee loo khaarijiyey.

Laamaha ammaanka ayuu cod dheer kaga dhawaajiyey in ay wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan dableydii ka dambeysay oo aan wali la aqoonsan.

"Aad ayaan uga xunahay dilka dadka bari-mageeda ah. Ehelkooda waxaan u direynaa tacsi waana la wadaagaynaa murugada. Mana-xayaashii geystay waa lagu daba jiraan isla marka lasoo qabto waxaa la marsiinaa cadaaladda," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey Idaacadaha maxaliga ah ee ka howlgala Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in dhacdadaan argagagaxa leh ay la xiriirto aano qabiil. Balse, xoghaye Coloow wuxuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo su'aal khuseysay.

"Waxba kama sii horudhici karo. Laakiin, waxaan ku sameyn doonaa baaritaan," ayuu ku adkeystay isagoo tuhun gelinaya in dilka salka ku hayo aano qabiil.

Bishii May sanadkan 2020, todoba howladeeno caafimaad iyo qof shacab ah ayaa lagu dilay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Saraakiisha ammaanka ayaa falkaas la xiriiriyey Al-Shabaab oo aan wali ka jawaabin.

Guddiga loo saarey baarista dhacdadaas kana koobnaa dowlada iyo maamulka ayaa tan iyo waqtigaas wuxuusan soo bandhigin natiijada kasoo baxda baaritaankooda.

Shacabka HirShabelle ayaa ku dhamaanaya colaado qabiil ku saleysan iyo weeraro ay geystaan Al-Shabaab xilli hogaanka maamulkaas uu hareeyay is-qabqabsi siyaasadeed oo ay kaga gaabiyeen waajibaadkooda iyo u adeegida dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM