Horjoogayaal katirsan Al Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Somalia

Image

BAYDHABO, Somalia- Saraakiil sare sare oo katirsan ururka Al Shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidamada dowladda Federalka Somalia ee ku sugan gobolka Baay, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen qaar kamid ah taliyaasha ciidamadaas.

Ragga is-dhiibay ayaa ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada iyo howgallada gobolkaas.

Tiradooda ayaa wararka soo gaaraya GO, sheegayaan inay gaarayaan ilaa 4 ruux.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca dowladda Federaalka Somalia iyo waliba maamulka Koonfur Galbeed.

Balse, qaar kamid ah saraakiisha maamulka gobolka Baay, ayaa ku waramay in raggaan lagu hayo meel ammaan ah iyagoo intaas ku daray in kahor intaysan isa soo dhiibin lasoo xariireen taliyaasha ciidamada xogga dalka Somalia ee Baay ku sugan, kadibna loogu tagay halkay ku sugnaayeen.

Maaha markii ugu horaysay saraakiil katirsan ururka Al Shabaab isu soo dhiibeen ciidamada dowladda Federaalka Somalia.

Balse, arrintan ayaa timid kadib markii Madaxda cusub ee Somalia ku dhawaaqeen in dhalinyarada la marin habaabiyay ay isaga soo laabtaan fikradaha kooxda Al Shabaab.

Dhawaan ayaa dhowr askari oo katirsana kooxdan isku soo dhibeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Baydhabo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM