Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo iska dhiibay Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Cali Ibraahim oo la sheegay in uu muddo dheer ahaa madaxii caafimaadka gobolka Galgaduud ee AlShabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka ah.

Ibraahim ayaa lagu waramay in uu isku gacan-geliyey cutubyadda xoogga dalka ee ku sugan degaanada hoostaga Dhuusamareeb kuwaasoo lasoo wariyey in ay soo dhaweyn diiran u sameeyeen.

Sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, Ibraahim ayaa wuxuu "ku qanci waayay dhibaatada iyo gumaadka ay kooxdani ku heyso shacabka Soomaaliyeed".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan goosashadan oo illaa haatan kasoo baxdey dhanka maleyshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gobolada Galmudug waxaa ka soconaya guluf ballaaran oo maleyshiyada Al-Shabaab ka dhan ah taas oo ay iska kaashanayaan ciidamadda heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedka hoostaga.

Dagaalo qaraar oo horseeday khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa dhexmaray labada dhinac. Balse, ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta waxyeeladda dhabta ah ee daraf walba soo gaartey.

Dowladda Puntland ayaa todobaadkan ku taageertay dhigeeda Galmudug gaadiid ciidan kadib markii mas'uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac ay isla meeldhigeen iskaashi kadib shir ka dhacay Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM