​Horjooge katirsan Shabaab oo Muqdishu lagu qabtay

Image

MUQDISHU- Ciidamada Nabad Sugidda Somalia ayaa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir kasameeyay howlgal lagu soo qabtay horjooge katirsan ururka Al Shabaab kaasi oo loo haysto weeraro lagu qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howlgalkan oo xalay ciidamadu qaadeen, waxaa la sheegay inuu si nabad galyo ah u dhacay islamarkaana lagu guulaystay qabashadan ninkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Fanax.

Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay ninkaasi lala socday goobta uu ku sugnaa iyo falalka amni darro ee uu qaabilsanaa, wuxuuna u mahadceliyay laamaha amniga gobolka Banaadir.

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta lagu soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa,”Ayuu yiri  Xalane.

Xalane ayaa ammaanay nabadyada gobolka isagoo sheegay inuu marayo halkii ugu wanaagsa, wuxuunta intasi ku daray in ku simaha gudoomiyaha Banaadir  iyo mas'uuliyiin kale kormeer xalay ku tageen qaybo kamid ah caasumadda Somalia, kaasi oo u jeedkiisa lagu sheegay indha-indhaynta nabadgalyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM