Horjooge katirsanaa Al Shabaab oo dowladda Somalia isu-soo dhiibay

Image

GARBAHAREY, Somalia- Horjooge sare oo katirsan Kooxda Al shabaab oo lagu magacaabo Maxa'ed Cabdullaahi Xaaji (Cirro) ayaa isku dhiibay maamulka degmada Garbahaarey ee dowladda federaalka Somalia.

Cirro, ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa madaxa Canshuuraha Al Shabaab ee Tuulo-Barwaaqo, oo ku dhaw magaalada Garbaharey, ee xarunta gobolka Gedo.

Wararka Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Maxa'ed Cabdullaahi Xaaji, uu kala soo goostay Kooxda Al Shabaab lacag aad u badan, maadaama uu ahaa ninka u qaabilsan Maaliyadda iyo Canshuuraha.

Xogtu, waxay intaas ku daraysaa in ninkan dhowr jeer oo hore qorshaynayay sidii uu kooxda ugasoo bixi lahaa, sida uu u sheegay saraakiisha Amniga.

Saraakiisha maamulka Garbahaarey iyo shacab badan ayaa si aad ah usoo dhaweeyay xalay Maxa'ed Cabdullaahi Xaaji (Cirro), sida ay sheegayaan wararka aan helayno Illo-wareedyo ku sugan Garbahaarey.

Wali Kooxda Al shabaab kama aysan hadlin wararka ku saabsan Goosashada Madaxii Canshuuraha Tuulo-Barwaaqo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM