Hotel Dayax ee ku yaal magaalada Muqdishu oo la weeraray

Image

Labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray hotel lagu magacaabo Dayax oo ku yaallo meel ku dhaw Isgoyska Sayidka, kana fogeyn xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdishu. 

Qaraxa kowaad waxaa loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada, waxaana xigay qarax kale oo isna ahaa gaari nooca NOAH ah, oo ay la socdeen rag hubaysan oo gudaha u galay Hotel Dayax. 

Hotel-ka Dayax ayaa waxaa daganaa yihiin xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 5 ruux ay ku dhimatay weerarka, dad badana ay ku dhaawacmeen. 

Dadka goobjooga u ahaa weerarka ayaa u sheegay GO in khasaaraha uu ka badan karo 5 qof, maadaama ay jiraan dad badan oo dhaawacyo culus soo gaaray, oo loo qaadey Isbitaalada. 

Fah-faahinta kala soco wararkeena dambe haddii alle idmo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM