Howlagalo amniga lagu sugayo oo ka socda magaalada Kismayo

Image

Arbaco, Nov 12, 2014 [ GO]- Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta iyo caawa ka waday magaalada Kismaayo  howlgalo amniga lagu sugayo ayagoo baarayay gaadiidka wadada marayay iyo dadka la socda.

Dad ku dhow 70 qof ayey ciidamada ammaanka soo qabteen kuwaas oo loo dhaadhacshay xabsiyada ciidamada nabad sugida ay ku leeyihiin magalada Kismaayo.

Saraakisha ammanka magalada Kismayo ayaa sheegay in dadka ay xireen lala xiririnayo tuhun ah in falalka ammaanka lidiga ku ah ku lug leeyihiin.

Dhinaca kale ururka Al-shabaab ayaa degaanka Kudhaa weerar kadis ah uu ku qaadey maalmihii la soo dhaafey ku laayey ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland iyadoo dhinaca kale weeraro qaraxyo ka fuliyey goobo ka tirsan magaalada Kismayo. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM

Xasan Sheekh oo ku guuldarraystay inuu Museveni ku qanciyo sii joogitaanka ciidamada Uganda

Museveni ayaa kulanka ku sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya ay salka…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 10:10PM