​Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo laga fuliyay Galgaduud

Image

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howlgallo xooggan ka sameeyey deegaano katirsan gobolka Galgaduuda ee bartamaha dalka, waxayna gacanta ku dhigeen deegaano horay ugu jiray gacanta ururka Al Shabaab.

Howlgalka, ayaa ka dhacay degaano hoostaga Galcad, waxaana saraakiisa ciidamadu sheegayaan inaysan jirin iska hor imaad dhexmaray iyaga iyo mallayshiyada ururkaasi.

Kornayl Axmed Maxamed Tareedishe oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sgan deegaanka Galcad ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay inay dhawaan la wareegeen deegaanno horleh, isla markaana ay iminka wadaan howlgallo ay ku xaqiijinayan tuulooyinka hoostaga Galacda.

Tareedishe ayaa xusay in arrimaha ammaanka dhawaan kala hadleen qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Galcad, wuxuuna intaasi raacshay inay la kulmi doonaan shacabka goobaha gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan islamarkaana ka qayb qaataan sidii hormarka iyo adkaynta ammaanka looga qayb qaadan lahaa.

Qabashada deegaannada, ayaa kusoo beegmay xilli 30 May, 2016 magalada Baladweyne lagu xiray taliyihii hogaaminayay howlgalkan, Kornel Maxamed Kaariye Carraale, kaasoo loo haystay arrimo la xiriira dil loo gaystay sarkaal kasoo goostay ururka Shabaab ee Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM