Howlgalo ciidamada DFS ka fuliyeen degaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Image

MAHADAAY-Somalia- Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo Al shabaab ayaa ka dhacay maanta gobolka Shabeellaha hoose.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, markii Ciidanka dowladda iyo AMISOM ay duulaan ku qaadeen Tuulooyin ay Al shabaab maamusho. 

Caanood ayaa tilmaamay in Labada ciidan ay la kulmeen weerar jidgal ah, xilli ay saaka u ruqaansadeen dhanka Tuulooyinka Miirtaqwo iyo Afarta Tuulo, si ay meesha ug saaraan Xoogaga Kooxda Al shabaab. 

Wararka aan dadka deegaanka ka helayno ayaa sheegaya in Dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Cali Foolaay, oo ku dhaw Mahadaay, islamarkaana uu ka dhashay khasaarooyin labada dhinac soo gaarey, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah. 

Howlgalaka ka socda Bariga gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamado Mareykanka ah, oo kuwa dowladda Federaalka iyo AMISOM ka caawinaya istiraatiijiyadda dagaalka iyo Duqeymaha dhanka Cirka. 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay bishii Maarso Guluf dagaal, oo xididada looga siibayo Malleeshiyada Al shabaab guud ahaan dalka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM