Hub Al shabaab looga qabsadey dagaalkii Halgan oo lasoo bandhigey

Image
Image
Image
Image
Image

HALGAN, Somaliya- Dagaal culus oo maalintii Khamiista 9/06/2016 ururka Al Shabaab ku soo qaadey xeryo ciidamada Ethiopia iyo Somaliya ku lahaayeen degaanka Halgan ee ka tirsan gobolka Hiraan ayaa fashilmey kadib markii halkaas kala kulmeen xogagii halkaas ku sugnaa.

Dagaalyahanada weerarka ku soo qaadey xeradaan ciidamada ee ku taaley degaanka Halgan oo tiradooda lagu qiyaasey 400 ayaa qorshahoodu ahaa iney saldhigaan baa'biyaan iyaga oo adeegsanaya xeeladii dagaal ay ku cagta ku mariyeen xeradii Mileteri Ceel Cad gobolka Gedo.

Ururka Al shabaab ayaa dagaalka ay ku soo qaadeen xerada ciidamada ee Halgan markii hore u adeegsadey gawaarida qaraxa ku xiran yahay kadibna weerar dhulka ah la beegsadey ciidamada halkaas ku sugnaa.

''Ciidamada Ethiopia oo ka feejignaa weerarkaan ayaa joojiyey weerarkaan iyaga oo kadib cagta mariyey maleeshiyaadkii duulaanka soo qaadey" sidaas waxaa Garowe 

Ku- xigeenka safiirka dowlada Ethiopia u fadhiya Somaliya Kamaladiin Mustafe Cuma oo saxaafada la hadlay ayaa sheegey in dagaalkas kooxda Al shabaab lagaga diley 120 maleeshiyaad ah. 

Hubka la qabtey ayaa safiir ku xigeenka Ethiopia sheegey inuu gaarayey 110 qori AK47, 20 PKM, 10 qoryaha loo yaqaan RBG, 10 qori oo B10 iyo qori kuwa lid ka diyaaradaha ee loo yaqaano ZU.

Al shabaab ayaa dhinacooda guulo ka sheegtey dagaalkaan iyaga oo qirtey oo kaliya in dagaalkaan ka dhinteen 19 ka tirsan maleeshiyaadkooda.

Dowlada Somaliya, AMISOM iyo ciidamada Ethiopia ayaa warar kala duwan oo ay kasoo saareen dagaalkaan ku sheegey in kooxdaan laga diley 300 Askari halka nolol ku baxsadeen 94 kaliya.

Khasaaraha ciidamada ka dhintey dalka Ethiopia ayaa dowlada Somaliya ku sheegtey 9 Askari halka afhayeen u hadlay ciidamadaan xusey ineysan cidina ka dhiman.

Dagaalkaan ayaa sidoo kale waxaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen shacabka degan degaankaas Halgan kuwasoo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaal magaalada Baladweyne gobolka Hiraan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM