Hub laga soo furtey maleyshiyada Al-Shabaab oo lasso bandhigay

Image
Milatariga Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay hubkan oo ka kooban qoryaha noocyadiisa kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hub lagu soo qabtay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ku wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hubka ayaa isugu jiray Qoryaha qoryaha boobayaasha ah sida PKM, AK47 iyo Rasaas oo ay ka furteen Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu wareejiyay milatariga Soomaaliya.

Ku-xigeenka Madaxa ATMIS, Marwo Fiona Lortan, ayaa Sabtidii hubkan ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ms. Lortan ayaa xustay in xil wareejintaasi ay waafaqsan tahay hab-maamuuska hubka fudud ee SALW, kaasoo qeexaya hannaanka kaydinta iyo maareynta hubka.

Sida nidaamka yahay, dhammaan hubka la qabto waxaa laga qaadaa muuqaalo iyo sawiro ka dibna waa la baaraa ka hor inta aan la burburin ama dib loo qaybin.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS waa in ay diiwaangeliyaan dhammaan hubka iyo agabka milatari ee lagu qabto weerarrada ama inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda," ayay tiri Ms. Lortan.

Waxa ay xustay in qabashada hubka iyo wareejinta ay tahay guulo wax ku ool ah oo laga gaaray dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS-ka ee dhanka howlgallada iyo qorshayaasha, Maj. Gen. William Kitsao Shume, ayaa ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS ku bogaadiyay howlgallada ay wadaan.

“Maanta, waxaan ku wareejineynaa hubkii lagu qabtay qeybta 1-aad, waxaana rabaa inaan ka mahadceliyo dadaallada lagu hirgelinayo waajibaadka ATMIS-ka. Dhamaan waa naftihurayaal ciidamadeena” ayuu yiri Sarreeye Gaas Shume.

Taliyaha ATMIS ee Uganda, Brig. Gen. Keith Katungi, ayaa sheegay in hub ka soo kabashada Al-Shabaab looga dan leeyahay in lagu xakameeyo hubka fudud iyo kan waawayba.

"Layligani wuxuu muujinayaa guusha (ujeedadayada) aan u leenahay inaan hoos u dhigno oo aan u diidno Al-Shabaab xorriyadda ficilka iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa," ayuu raaciyay Brig. Gen. Katungi.

Dhankiisa, Gen. Maxamed Tahliin Biixi ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya ATMIS iyo SNA ee dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida, ka hor inta aan la filayo in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

"Wadashaqeynteenu waxay wiiqaysaa cadowga, waxayna dhiirri-gelinaysaa ciidamadeenna - ATMIS-ka iyo kuwa Nabadsugidda Soomaaliya," ayuu yiri Gen. Maxamed ka dib markii uu helay kaydka hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM