Hubka oo laga mamnuucay madaarka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay mamnuucday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho in lala galo hub iyo waliba gaadiidka hubeysan.

Qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online ayaa sababta loo qaadey talaabadan waxaa lagu sheegay in la tixgelinayo "cabashooyin is-daba-joog ah oo ka yimid maamulka garoonka".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, talaabadan ayaa sidoo kale waxay la xiriirtaa in sarre loo qaado ammaanka madaarka caalamiga ah.

"Waxaa kaliya hub la geli kara ilaaladda madaxda dalka sidda; madaxweynaha JFS, Ra'iisul Wasaaraha XFS, Gudoomiyaha Aqalka Sare [iyo] Gudoomiyaha Golaha Shacabka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Warka qoraalka ah ayaa la raaciyey "mas'uuliyiinta kale waxaa la farayaa in ay ciidamadda la socda iyo hubkooda ku reebaan iridaha hore ee laga galo garoonka sidda; Madiina gate, iyo iridaha kale ee waaweyn".

Go'aankan ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu ku guda jiro mar-xalad kala guur ah isla markaana uu dhexda kaga jiro hubanti la'aan weyn oo la xiriirta in coddeynta ay waqtigeeda ugu dhaceyso si daahfuran.

Dadka qaar ayaa talaabadan waxay ku macnaayeen "go'aan ay dowladda cadaadiska ugu kordhineyso musharaxiinta dooneysa in ay bedelaan" madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed C/laahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM