ICJ oo go'aaminaysa dalka leh badda ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaalida, Kenyanka ayaa si weyn u sugaya go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda muranka badda ee muddada dheer ka socday, kaasoo dhaawacyo badan gaarsiiyay xiriirka labada dal ee deriska ah.

ICJ waxay go'aan aan racfaan lahayn kasoo saari doontaa dacwadda Soomaaliya u gudbisay 2014 galabta, saacadda Geeska Afrika marka ay tahay 4pm [Toban saac], waxaana kala caddaan doona dal leh xuduud badeeda la isku haystay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa tartan ugu jiraan xaqiijinta mulkiyadda 100,000 KM isku wareeg ah oo ku taalla Badweynta Hindiya, taasoo uu ku jiro shidaal badan oo shirkado shisheeye u tartamayaan.

Maxkamadda ayaa xukunkeeda waxaa aad looga hadal hayaa Muqdisho iyo Nairobi. Lama oga waxa uu noqon doono, balse Soomaalida waxay muujinayaan rajo ah in Kenya looga adkaan doono kiiskan.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Sabtidii gaaray magaalada Hague, oo ay ku taalla xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda.

Dowladda Kenya horey ayay u sheegtay inaysan aqoonsan doonin Go'aanka ICJ, iyadoo hoosta ka xariiqday in Maxkamadda aan awood u lahayn xukun inay kasoo saarto xuduuda badda, ee khilaafka ka taagan yahay.

Soomaali badan oo ku nool wadanka Kenya, oo qaarkood ganacsi ku leh ayaa cabsi muujiyay, waxayna ka baqayaan aargoosi hadii ay u dabaal-degaan go'aanka Maxkamadda ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM