IGAD oo Jubaland ka taageereysa gurmadka Abaaraha

Image
Dad iyo duunyo ayay saameysay abaarta taasoo mas'uuliyiinta Jubaland ay qaylo-dhaan ka muujiyeen.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta Iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubaland, Maxamed Nuur Cali Cabdullaahi ayaa maalimihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

ayaa maanta kulan laqaatay Dr SJ Muchina Munyua oo ah agaasimaha hay’adda ICPALD oo ah hay’ad arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan urur Gobaleedka IGAD kaasoo ka dhacay xarunta IGAD ku leedahay Magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaan xiriiriyaha mashruuca PP ee FAO Mrs Caroline Agosa, Mr Liban Daher Economist oo dhammaantood ah saraakiil ka tirsan hay’adda ICPALD.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dardargalinta wadashaqeynta laba dhinac iyo hormarinta mashaariicda ay hay’adda ICPALD ka wado qeybo kamid ah Gobalka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Qodobadii laga wadahadlay:

1- Xoojinta wada shaqeeynta labbada dhinac

2- Ka jawaabidda xaaladaha abaarta kajirta deegaanada Jubbaland.

3- Dib u bilaabidda maashaaric cusub iyo gabagabeynta kuwii hore iyo qodobo muhiim ah.

Isu-imaatinka maanta uu Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa  Dowlad Goboleedka Jubaland, Maxamed Nuur Cali Cabdullaahi uu la yeeshay madaxdaan ayaa ku soo dhammaaday si mira dhal ah kaasoo qeyb weyn ka qaadan doono geedi socodka hawlaha shaqo ee ay wasaaradda bulshada Jubbaland u heyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM