IGAD oo ka hadashay khilaafka Galmudug iyo Ahlusunna [Dhagayso]

Image

19 September, 2015(GO)-Wakiilka urur goboleedka IGAD  ee arrimaha Somalia Maxamed Cabdi Afey oo waraysi siinayay Idaacadda BBC-da ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

Afeey oo cambaareeyay colaadda dhextaalla labada dhinac ayaa sheegay inaysan danta Somaliyeed ku jirin dil balse loo baahanyahay in la soo afjaro wixii khilaaf ah.

Dhinacyada dagaalamay ayuu wakiilku ugu baaqay wada-hadal iyo isfaham si looga gudbo marxaladda haatan lagu jiro.

“Urur goboleedka IGAD aad ayuu uga xun yahay in dad Somaliyeed ay si nasiib daro ah ku dhintaan, waxaan ka xunnahay in dadka gobolada dhexe ku nool lagu dul dagaalamo, dagaal waa laga tagay oo dowladdnimo ayaa la qaatay" ayuu yiri Afeey.

Hadalka IGAD ka soo baxay ayaa imaanaya, xilli khilaaf dhimasho sababay uu u dhaxeeyo maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM