Ilaalada Villa Soomaaliya oo dhaawacay Mas'uul katirsan Xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamado katirsan Ilaallada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa xalay dhaawacay mas'uul sare oo kamid ah Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Cabdullaahi Cabdikariin Maxamed Xiirey, oo ah Agaasiimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee waaxda xariirka gobollada ayaa Gaarigi uu watey rasaas lagu furey xilli uu mararay nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Askar ku sugan Bar Koontarool oo laga ilaaliya qasriga Madaxtooyadda ayaa markii ay ka shakiyeen Gaariga Mas'uulkan rasaas ooda uga qaadey, taasi oo sababtay dhaawac culus inuu kasoo gaaro.

Cabdullaahi ayaa marayay xilliga la rasaaseynayay afaafka hore ee Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey dhanka caloosha, waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer.

Ma jirto cid katirsan laamaha amniga dowladda, oo ka hadashay falkan ay ciidamada Villa Soomaaliya ilaaliya ku dhaawaceen Cabdullaahi Cabdikariin Maxamed Xiirey, oo hadda xaaladdiisa laga deyrinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM