Ilhaan Cumar oo soo saartey baaq ku aadan doorashooyinka Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Inkasta oo mabda' ahaan la isku raacay in qoondada haweenku tahay soddon boqolkiiba, haddana dumarka ayaa wali cabanaya xilli Ilhaan Cumar ay ku baaqdey in gabdhaha la siiyo kalsooni aad u buuxda.

Xildhibaanadan ka tirsan Aqalka Sarre ee waddanka Mareykanka ayaa rumeysan in haweenka ay dalka u horseedi karaan isbedel wanaagsan.

Ilhaan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa kalsooni fiican ka muujisay in coddeynta loo balansan yahay 2020-21 ay dumarka heli doonan jagooyin.

"Waxaan u maleynayaan gabdhaheena Mareykanka ee tartamay ee ku guuleystay in aan tusaale u noqon doono dadka jooga Soomaaliya oo ay u fahmaan in marka gabdho la doorto isbedel fiican la helaayo," ayay tibaaxdey.

Cabashooyinkii ugu dambeeyay ee dumarka muujiyeen waxaa kamid ah in aan ka qeybgal fiican laga siin guddiyadda maamulaya doorashadda; kaliya Puntland ayaa xubin ka siisay dumarka kooxda isku-dabarideysa coddeynta.

"Waxaan rajeynayaan in doorashooyinka ka dhici doona la dhiirageliyo dumarka, in nala aamino [iyo] in ay wax badan soo dhicin karaan hadii boos la siiyo," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay Ilhaan oo ah 38-sano jir.

Dhanka kale, Ilhaan oo kamid ah xubnaha mucaaradsan madaxweynaha waqtiga ka dhacayo ee Mareykanka, ayaa rumeysan in uu mar walba u beegsanayo maadaama ay is hortaago dhibta uu ku hayo Soomaalida.

Donald Trump ayaa dhowr jeer wuxuu Ilhaan ku qaadey weerar dhanka afka ah, talabaadaas oo dhalisay in taageereyaashiisa ay u hanjabaan.

"Dadka Soomaalida waxaan ka codsanayaa in aniga kaliya aysan iga sugin jawaab; jawaabtooda ay noqoto in aan coddeyno oo aan ku dedaalno sidii aan madaxweyne cusub waddanka ugu heli karno," ayay xustey.

Doorashooyinka dalka Mareykanka ayaa qabsoomaya 3-da bisha November, iyaddoo ay haatan codadkooda sii dhiibteen in ka badan 50 milyan oo uu kamid yahay madaxweyne Donald Trump oo la tartamaya murashax Joe Biden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM