​Ilka-xanaf oo xilka wareejiyay

Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta magalada Muqdishu ka dhacday munaasabad xilalka kula kala wareegeen guddoomiyihii hore maxkamadda sare Somalia Caydiid Cabdullaahi ilka-xanaf iyo mas'uulka lagu badalay Ibrahim Iidle Sulaymaan.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia, wasiirka cadaaladda iyo xubno kasocda qaybaha kala duwan ee garsoorka.

Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay mas'uulka booskiisa lagu badalay islamarkaana wuxuu meesha ka saaray tuhun dadka qaybtii abuureen oo tilmaamayay inuu ka noqday go'aankii uu xilka qaadistiisa kusoo dhaweeyay.

Ilka-xanaf, wuxuu xusay in xilkan qof kasta oo Somaliyeed qabanayo islamarkaana cid gooni ah iska lahayn, isagoo intaasi raacshay in cadaaladdu saldhig u tahay dowladnimada iyo wadashaqaynta.

Gudoomiyaha cusub Dr: Ibrahim Iidle Sulaymaan, ayaa dhankiisa xusay inuu ku faraxsanyahay xilka lagu wareejiyay, isagoo tibaaxay inuu kasii amba qaadi doono heerka hadda garsoorku marayo, wuxuuna bulshada Somaliyeed u ballanqaaday inuu cadaaladda gacan bir ah ku qaban doono.

Xubno katirsan xukuumadda gaar ahaan Ra'isal wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo wasiirka cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), ayaa kula dar-daarmay laamaha cadaaladda inay ka shaqeeyaan sidii bulshada loo deeqsiin lahaa cadaaladda islamarkaana looga fogaan lahaa eex iyo nin jeclaysi.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf, oo uu ku tilmaamay inuu ahaa tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn garsoorka dalka, maadaama uu ka soo shaqeynayay ku dhowaad 60 sano howlaha garsoorka, maantana uu baneeyey kursiga si sharaf leh oo ay wadaniyadi ku dheehan tahay,” Ayuu yiri Ra’iisal wasaare kuxigeenka dowladda Somalia, Maxamed Cumar Carte.

Carte, wuxuu laamaha kala duwan ee garsoorka ka codsaday inay ka fogaadaan, wax kasta oo umadda Somaliyeed dhibsanayaan islamarkaana noqdaan kuwii si siman ugu shaqaynayay guud ahaan shacbiga Somaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan garsoor cadaalad ku dhisan, sinaan iyo Alle ka cabsi, waana inaad wax ka qabataan tabashada dadweynaha ee dhanka garsoorka, waxaana loo baahan yahay dacwadaha loo oogo si sax ah oo aan cidna lagu dulmin,” Ayuu hadalkiisa raacshay mudane Carte.

Dhawaan ayay ahay markii Ilka-xanaf xilka looga qaaday wareegto kasoo baxday madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM