Imaaraadka iyo IGAD oo kawada hadlay Xaaladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Urur goboleedka IGAD ayaa kawada hadlay Xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii looga caawin lahaa soo celinta Nabadda iyo Xasiloonidiisa.

Mohammed Ahmed Al Othman, Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan gaar ah kula qaatey xarunta Safaaradda Imaaraadka Muqdisho Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cali Guyo.

Labada Diblomaasi ayaa ila meel dhigay in IGAD iyo Imaaraadka taageero midaysan oo dhanka amniga iyo xasiloonida siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo dagaal kula jirta Xoogaga Al Shabaab.

Guyo ayaa bogaadiyay doorka dowladda Imaaraadka ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Nabada, Xasiloonida, dib u heshiisiinta dhinacyada Siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed ee kawado dalka.

Mohammed Ahmed Al Othman, ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Wakiilka IGAD wadashaqeyntiisa iyo kaalinta ay ka qaadanayaan dib usoo celinta Soomaaliya oo mudo ku dhaw 30 sano ay xasilooni darro ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM