Imaaraadka oo gaadiid gaashaaman siiyey booliska D. Federaalka

Image
Image
Image

June 10, 2015 (GO)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid gaashaaman ugu deeqday booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad qalabkan lagula kala wareegayey oo ka dhacday gudaha dekedda magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirasaaq Cumar Maxamed, Safiirka Imaaraadka ee Somalia Muxamed Cuthmaan iyo Taliyaha Booliska Maxamed Sheekh Xasan.

Wasiirka Amniga oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Taliyaha Booliska oo isna hadlay ayaa sheegay in gaadiidkani qayb weyn ka qaadan doono tayeynta iyo horumarinta shaqada booliska.

Safiirka Imaaraadka wuxuu sheegay in Dowladda Imaaraadku sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta ay ka qaadaneyso dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa todobaadyo kahor sidan oo kale gaadiid gaashaaman u siisey ciidamada Jubaland iyo Puntland, inkastoo gaadiidkaasi ahaa mid aad u tiro yar marka loo babar dhigo inta la siiyey Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM