Murashaxiinta Madaxweynaha HirShabelle oo Is-diiwaangelinaya

Image

JOWHAR, Somalia - Gudiga Doorashada Madaxweynaha HirShabelle, ayaa maanta diiwaan-gelinaya Murashaxiinta isku soo taagey inay u tartamaan xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

Afhayeenka u hadlay Gudiga ayaa sheegay in 4 murashax oo kaliya illaa hadda ay hayaan, islamarkaana la filayo inay u loolamaan Jagada Madaxweynaha maamulka HirShabelle.

Tirada murashaxiinta waxaa hoos u dhigay in xilka loo xadiday hal qabiil oo kaliya, kaasi oo ah Beesha Xawaadle, islamarkaana aysan Beelaha kale Siyaasiyiintooda loo ogoleyn inay isku soo taagaan.

Doorashada Madaxweynaha cusub ayaa lagu wadaa inay dhacdo 12-ka bishan September, waxaana qofkii kusoo baxa uu bedeli doono Cali Cabdullahi Cosoble, oo Barlamanka Codka kalsoonida kala noqday bartamihii bishii lasoo dhaafey.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaniga magaalada Jowhar, oo u diyaar-garoobaysa inay marti-geliso Doorashada Madaxweynaha, oo ay dooran doonaan xildhibaanada maamulkaasi oo ka kooban 70 mudane.

Mamaulka HirShabelle oo la dhisay dhamaadkii 2016-kii, ayaa waxaa ragaadiyay Madaxdiisa waxqabad la'aan, Khilaaf u dhaxeeya Beelaha awoodda qeybsaday iyo faragelin la sheegay inay ku hayso dowladda dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM