Indha Qarshe oo xilka la wareegay, kana hadlay qorshihiisa

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya, waxaa xilka si rasmi ah kula wareegay Taliyaha cusub ee ciidanka xooga dalka, Jenaraal Daahir Aadan Cilmi [Indha Qarshe].

Cilmi ayaa waxaa xilka kala wareegayaan Jenaraal Cabdiwali Jaamac Gorod, kaasoo xilkaan uu ka qaaday isbuucii lasoo dhaafay Madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] wuxuuna qayb ka ahaa xubno badan oo xilalkooda waayay.

Munaasabadda xil wareejinta oo ay goobjoog ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka, xubno ka socday beesha caalamka iyo howlgalka AMISOM ayaa waxay ka jeediyeen khudbado, iyagoo soo dhaweeyay Taliyaha cusub.

Taliyaha cusub ee ciidanka xooga dalka, Jenaraal Daahir Aadan Cilmi oo dhankiisa xafladda ka hadlay ayaa waxuu ku nuux-nuux saday inuu xoojin doono la dagaalanka musuq-maasuq iyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shababa.

Waxuu tilmaamay sidoo kale inuu xoojin doono qorshaha ciidanka xooga dalka loogu soo kordhinayo dhalinyaro wax baratay, taasoo dowladda Farmaajo ay dar-dar gelisay tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay bishii Febrayao ee sanadkii hore.

Taliye Cilmi ayaa xusay inuu taageersan yahay qorshaha ay ciidamadda AMISOM uga baxayaan dalka, kaasoo Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay dib u dhac uu ku sameeyay, wallow sanadka 2020 qorshuhu ahaa inay isaga hayaamaan dalka.

Mudadii ay jirtay dowladda Federaalka, taliska ciidanka xooga dalka waxaa isku bedalay illaa iyo saddex taliye, taasoo si xoogan loogu dhaliilay, waxaana xubnihii ka horeeyay Indha Qarshe lagu eedeynayay arrimo ay musuq-maasuq kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM