India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Image

NEW DELHI – Dowladda Hindiya ayaa shaacisay inay si buuxda u taageersan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo meesha ka saartay inay qayb ka tahay dhaqdhaqaaqyada aqoonsi raadinta ee maamulka Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in New Delhi ay mudnaanta koowaad siinayso ixtiraamka madax-bannaanida Soomaaliya.

"Hindiya iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo soo jireen ah. Mowqifkayagu waa cad yahay, kaas oo ah in la dhowro midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya," ayuu yiri Afhayeenku.

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika, gaar ahaan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Israa’iil ay qorshaynayso aqoonsiga Somaliland, taas oo ay dowladda Soomaaliya si adag uga hortimid.

Dowladda Soomaaliya, oo hadda xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ballan-qaadday inay difaaci doonto qarannimadeeda, iyadoo taageero ka helaysa inta badan dalalka caalamka iyo Midowga Afrika oo aaminsan in aan xuduudaha Afrika la beddelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM