Ingiriiska oo lacag ugu deeqay dowladda Soomaaliya

Image
Kaalmadan dhaqaale ayaa ah mid wax looga qabanayo Abaaraha.

LONDON, UK – Nick Dyer, Ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hor tagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadnimada Nick oo todobaadkan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa u kuur galay abaaraha dalka ka jira waxa uuna ku dhawaaqay kaalo lacageed oo abaaraha wax looga qabanayo.

Mr Dyer ayaa ku dhawaaqay lacagta abaarta ugu talo galeen ay ku dari doonaan ilaa $8 million (£5.5 million) taas oo UK wax uga qaban doonto abaarta, lacagtan ayaa lagu kordhin doonaa Ilaa $10 million oo uu horay u sheegay in U.K wax uga qaban doonto abaarta wasiirka UK ee Vicky Ford , January 2022.

Lacagahan ay bixineyso UK ayaa waxaa wax looga qaban doonaa abaarta, qaarkood waxaa lagu bixin doonaa Kaash si loogu iibsado waxyaabaha ay dadka u baahan yihiin

Inta uu dalka joogay waxaa uu la kulmay Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la sheegay in goobahooda ay ka jirto abaarta ugu badan, waxaa kale uu la kulmay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble.

Xukuumadda ayaa wadday dadaalo gurmad loogu baadi goobaya dadka ay abaaruhu saameeyeen, asiga oo Caalamka ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadkaas, Xukuumadda ayaa kol hore waxa ay soo saartay in gunnada Golaha Wasiirada ay boqolkiiba 20% ay ugu deeqeen dadka u baahan gurmadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa soo gaarsiisay Muqdisho 7 Janaayo 2022 gurmard loogu talogalay Dadka ku waxyeeloobay Abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM