Ingiriiska oo walaac ka muujiyey warbixin laga diyaariyey Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Dowladda Ingiriiska ayaa walaac ka muujisay warbixinta ay Guddiga khuburada Qaramada Midoobay ka diyaariyeen Soomaaliya si gaar ah qaabka ay dakhliga ku hesho maleyshiyadda Al-Shabaab.

Ergayga UK ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa daaha ka rogay in warbixintaas ay iftiimineyso caqabadaha culus ee wali ka jira Soomaaliya, wallow uu tibaaxay in horumar laga sameeyo dhinacyo badan.

"Waxaan u baahanahay in aan taageerno Soomaaliya oo aan si wadajir ah uga shaqeyno la dirirka Al-Shabaab," ayuu Jonathan Allen xusay, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in la wiiqo awooda maalgelinta kooxda.

Cunaqabateynta hubka ayuu soo jeediyay in aysan saameyn ku yeelan arrimaha bini'aadanimadda iyo u gargaarida dadka tabaaleysan ee ku dhaqan goobaha ay argagixiadda maamulaan.

Warbixinta kooxda khuburadda oo lagu falanqeeyay shir uu Golaha Ammaanka yeeshay Arbacadii ayaa qeexdey in Al-Shabaab ay sanadkii 21 milyan Doolar ka hesho canshuurta dekadaha iyo maalgashiga magaalooyinka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaanan wali caddeyn aragtideeda ku saabsan warbixintaas oo ku noqon karta dharbaaxo maadaama marsooyinka dakhligaas ka hesho argagixisada ku jirto tan Muqdisho.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Xuseen Guuleed [Khadar] ayaa horey u caddeeyay in xukuumadda si dhow ula socoto arrintaan, balse waxay u muuqaneysaa mid ku guuldareystay in ay wax ka qabato.

Dakhliga ay maleyshiyadda uruursato ayaa la aaminsan yahay in ay ku xoojiso howlgaladeeda liddiga ku ah xasiloonida waddanka iyo weerarada ay qaarkood waxyeelo badan kasoo gaaraan shacabka iyo ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM