Inqilaabka aamusan ee Erdogan "u maleegay" Soomaaliya

Image
Ankara ayaa tababartey, qalabeysay mushaharkoodana bixisa cutubyo ku milmay is-jiid-jiidka siyaasada Muqdisho.

ANKARA, Turkey – Dhacdooyinka bilooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha Soomaaliya waxay ahaayeen inqilaab aamusan oo uu abaabulay hogaamiyaha Turkiga, Recep Tayib Erdoğan, sidda uu shaaca ka dhigay siyaasi Ameerikaan ah.

Michael Rubin, xubin sare oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute iyo sarkaal hore kana tirsanaa waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa dhawaqaas uu kasoo xigtay mareegga afka dheer ee lagu magacaabo Ahval.

Bogga oo tixraaxaya maqaal uu aqoonyahankan ku daabacay website-ka AEI ayaa rumeysan in Erdogan uusan wax dan ah ka lahayn cawaaqibka ka dhalan kara "talaabooyinkiisa guracan".

Dhacdooyinka cuskadey waa; muddo kororsigii sharci darada ahayd ee Farmaajo, isku-daygii ceyrinta ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble, gabaad-siintii Fahad markii Jabuuti soo celisey iyo diyaaradii gaarka ah ee uu kasoo kireystay.

"Dhamaan arrimahan waxay dalka [Soomaaliya] qarka u saareen in uu dib ugu laabto colaad sokeeye," ayuu ku yiri nuqul kamid ah faalladiisa oo ay badan daalacdeen.

Erdogan ayuu si gaar ah ugu eedeeyay in uu faray hay’adaha dowladda Turkiga "in ay awood-siiyaan diktaatoor dadka Soomaaliyeed caburiya halkii uu ka dhisi lahaa dowlad federal ah oo dimuqraadi noqota mustaqbalka aadka u dhow".

Dhanka, madaxtooyada Soomaaliya ayaan ka faa’iideysan soojeedin uu hordhigay warsidaha Garowe Online oo la xiriirta in ay ka jawaabaan eedeymahan.

Sidoo kale, xukuumadda Ankara ayaan wali wax war ah kasoo saarin sheegashadan. Isku dayo xiriir oo lala sameeyay xafiiska warfaafinta Erdoğan ayaan sidoo kale guuleysan.

Turkiga ayaa saameyn weyn oo dhinaca dhaqaalaha iyo ciidamadda ku leh Soomaaliya. Kadib doorashaddii Farmaajo ee 2017-dii, Ankara waxay sii kordhisay joogiteenkeeda iyadda oo tababarta ciidamada ay hadda adeegsato Madaxtooyadda.

Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kumaandooska Gorgor – oo labaduba ay Ankara tababartey, qalabeysan ayna mushaharkooda siiso – ayaa la rumeysan yahay in maamulka Farmaajo isku dayay in uu wadanka dib ugu celiyo colaad sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM